𝐖𝐚𝐝𝐝𝐚𝐝𝐚 𝐮𝐮 𝐦𝐚𝐫𝐨 𝐡𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐥𝐞𝐲𝐬𝐭𝐚
Taariikhdu waxay xusuusataa laba nooc oo hoggaamiyeyaal ah. Waxaa jira kuwo xilka qabtay oo markii ay tageen aan wax badan laga xusuusan. Waxaa kaloo jira kuwo dalka iyo dadka wax u qabtay, fikir iyo aragti fiicanna uga tagay. Magacyadooda weli waa la xusaa, waxna waa laga bartaa.
Waxa labadaas koox kala saaray ma ahayn oo keliya awood, lacag ama nasiib. Waxa ugu weyn wuxuu ahaa sida ay u fikireen, sida ay dadka ula dhaqmeen iyo sida ay uga faa'iideysteen khaladaadkoodii.
Hadalka hoggaamiyaha mararka qaar wuxuu ka cimri dheeryahay noloshiisa. Weedh sax ah oo lagu yiraahdo waqtigii ku habboonaa waxay beddeli kartaa taariikh dal oo dhan.
Hoggaamiyihii Koonfur Afrika, Nelson Mandela, wuxuu yiri:
"Geesinimadu ma aha in qofku uusan cabsan. Geesinimadu waa inuu ka adkaado cabsidiisa."
Mandela wuxuu xabsi ku jiray 27 sano. Markii uu xukunka qabtay, kama uusan aargudan dadkii dhibaatada u geystay. Wuxuu doortay dib-u-heshiisiin iyo nabad.
Casharka laga baranayo waa in hoggaamiyaha wanaagsan uusan dadka ku hoggaamin xanaaq iyo aar-goosi, balse uu ku hoggaamiyo dulqaad iyo aragti fog.
Hoggaamiyeyaal badan ayaa fashilmay sababtoo ah waxay rumaysteen inaanay waligood qaldami karin.
Ra'iisul Wasaarihii hore ee Ingiriiska, Winston Churchill, wuxuu yiri:
"Guushu waa inaad hal khalad ka gudubto adigoon rajada lumin."
Qofka khaladkiisa qirta wuxuu helaa fursad uu ku saxo. Laakiin qofka mar walba isku daya inuu khaladkiisa qariyo ama difaaco, khaladkaas ayaa ugu dambayn dhibaato u keena.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Abraham Lincoln, wuxuu yiri:
"Waxaad dadka oo dhan khiyaami kartaa muddo gaaban. Dad yarna waqti dheer ayaad khiyaami kartaa. Laakiin dadka oo dhan mar walba ma khiyaami kartid."
Macnaha hadalkani wuxuu muujinayaa marka hoggaamiye uu lumiyo kalsoonida shacabka, way adkaanaysaa inuu dib u helo. Awood, ciidan ama lacag midna ma beddeli karto kalsoonida dadka.
Ra'iisul Wasaarihii hore ee Singapore, Lee Kuan Yew, wuxuu aaminsanaa in hantida ugu weyn ee dal leeyahay aysan ahayn shidaal ama macdan, balse ay tahay dadka.
Wuxuu xoogga saaray waxbarashada, nidaamka iyo tayeynta shaqaalaha dawladda, taasoo ka dhigtay Singapore oo ahayd jasiirad kaneeco iyo wasaq darteed ay isaga jartay Malaysia, inay markii dambe noqoto mid ka mid ah dalalka ugu horreeya caalamka.
Dalalka maanta hormaray waxay marka hore dhiseen dadka, kadibna waxay dhiseen waddooyin, warshado iyo dhismayaal.
Isbeddelka waa lama huraan
Hoggaamiyihii hore ee Midowgii Soofiyeeti, Mikhail Gorbachev, wuxuu yiri:
"Khatartu waxay ku dhacdaa dadka ka baqa isbeddelka."
Hoggaamiye wanaagsan wuxuu ka fikiraa waxa dalka u haraya marka uu xilka ka tago.
Qof walba maalin ayuu xilka ka tagayaa.
Laakiin haddii uu dhiso hay'ado adag, dalku wuu sii soconayaa.
Dalalka xooggan waxay ku xooggan yihiin hay'adahooda, mana ku tiirsana hal qof.
Go'aamada adag ayaa dhisa taariikh
Madaxweynihii hore ee Faransiiska, Charles de Gaulle, wuxuu yiri:
"Mararka qaar hoggaamiyuhu waa inuu qaataa go'aan maanta dadka ku adag, si berri dalku uga badbaado dhibaato."
Hoggaamintu ma aha in qofku raadiyo sacabka dadka.
Waa inuu qaataa go'aanka saxda ah, xitaa haddii uu adag yahay.
Maxaa laga xusuustaa hoggaamiyaha?
Hoggaamiye kasta wuxuu ka tagaa laba dhaxal.
Mid waa dhismayaal iyo waxyaabo la taaban karo.
Midka kalena waa fikirkii iyo aragtidii uu dadka uga tagay.
Dhismayaashu way duugoobaan.
Laakiin fikirka wanaagsan wuxuu noolaan karaa muddo aad u dheer.
Taasi waa sababta hadallada qaar weli loo xuso sannado badan kadib.
Taariikhdu waxay xusuusataa hoggaamiyihii dadka mideeyay, runta aqbalay, khaladkiisana saxay, kana tagay aragti iyo hay'ado dalkiisa anfaca muddo dheer.
Maqaal kan waxaa qoray IMAN JAMAC