Ka hor inta aadan siyaasadda gelin , maxaad u baahantahay?

Mandela wuxuu u galay inuu bulshada Koonfur Afrika ka dulqaado cunsuriyadda,Lee Kuan Yew wuxuu u galay inuu Singapore ka dhigo dal cid walba u noqda tusaale,Thomas Sankara wuxuu siyaasadda u galay inuu dadka ka xoreeyo qabyaaladda iyo ku-tiirsanaanta reer galbeedka. Mabda’a ugu wanaagsan ee siyaasad loo galo waa mid sidan oo kale ah, mabda’ aad u aragto inuu ka weyn yahay adiga iyo danahaaga.

Laakiin ka hor intaadan siyaasadda gelin, waxaa muhiim ah inaad is waydiiso ; maxaan rabaa inaan beddelo? Siyaasi u gelaya siyaasadda isagoo aan lahayn qaddiyad cad wuxuu u ekaadaa markab aan lahayn jiheeye. Abraham Lincoln wuxuu siyaasadda u galay hal qaddiyad oo ah joojinta addoonsiga,taas ayaana ka dhigtay hoggaamiyaha ugu caansan taariikhda Maraykanka. Siyaasiga laftiisa ayaa marka hore u baahan inuu fahmo waxa uu ka aaminsan yahay nolosha, bulshada iyo waddanka,si uusan u noqon hoggaamiye ka jawaabaya duruufaha maanta oo keliya, balse la socda mustaqbalka tobannaan sano ee dambe.

Sida loo noqdo siyaasi guuleysta ma aha in lagu guulaysto doorasho keliya. Taariikhda waxaa lagu xusuustaa hoggaamiyeyaal is beddel ku reebay dalkooda, xataa haddii xilligooda la mucaaraday ama la dhaliilay. Churchill xil buu mar lumiyay, mar buu ku guuleystay, laakiin taariikhdu waxay ku xustay sidii uu u badbaadiyey Yurub dagaalkii labaad. Meles Zenawi waxaa weli lagu xasuustaa inuu Itoobiya ka dhisay dawlad adag oo ka kacday burburkii Dergiga. Siyaasiga guulaysta waa mid leh aragti uu ku kalsoon yahay, geesinimo uu ku qaato go’aanno adag, iyo dulqaad uu ku sugto inta aragtidiisu rumoobayso.

Hoggaamiyaha raba inuu raad waara ka tago ma aha mid keliya hadla, ee waa mid beddela sida bulshadu u fakarto iyo sida dawladnimadu u shaqeyso. Mahathir wuxuu Malaysia ka dhigay dal dhan oo ka kacay meel hoose, wuxuuna beddelay maskaxdii guud ee dadka. Kagame wuxuu Rwanda ka dhigay dal ka baxay xasuuq, oo noqday meel Afrika oo dhan tusaale u noqotay. Raadkani ma aha mid ku xirnaanaya kursi, ee mid ay xasuustaan jiilalka.

Taariikhdu waxay u kala saartaa hoggaamiyeyaasha laba qeybood: kuwo magac reebay iyo kuwo maamul reebay. Kuwa magac reebay waa kuwii beddelay waddan dhan,kuwa maamul reebay waa kuwii xilka hayey intii ay joogeen, balse la iloobay markii ay tageen. Siyaasiga doonaya in lagu tixgaliyo waa mid fahma in siyaasaddu aysan ahayn tartan mucaarad iyo doorasho uun, balse ay tahay mas’uuliyad ka baxsan noloshiisa.

Ugu dambayn, siyaasadda waxaa u roon midda ilaalisa karaamada dadka aad hoggaaminayso. Haddii aad dadka ka dhigto kuwa ay dantooda ka weyntahay midda aad adigu doonayso , waxaad dhisaysaa kalsoonida jiilalka soo socda. Hoggaamiyuhu marka uu sidaas u fakaro, raadkiisu wuu sii noolaanayaa, sida Mandela, Sankara, Lee Kuan Yew, ama Mahathir. Hoggaamiyeyaal aan kaliya guuleysan, balse dalalkooda beddelay.