Beeraha Soomaaliya: Ma leenahay Awood aan ku Quudin karno 10 Milyan oo Qof?

Marka laga hadlayo Soomaaliya, waxaa inta badan maskaxda lagu hayaa xoolaha, abaarta, iyo ku-tiirsanaanta cuntada dibadda. Laakiin dhinaca kale ee sheekada ayaa ah mid mudan in si dhab ah loo baaro

Soomaaliya waxay leedahay dhul beerasho iyo biyo ay ka dhalan karto awood wax soo saar oo aad uga weyn tan maanta jirta

sidaas darteed Su'aashu ma aha oo keliya in Soomaaliya ay beerato iyo in kale. Su'aasha Ugu muhiimsan ayaa ah

Haddii awoodda beeraha Soomaaliya si cilmi iyo farsamo ku dhisan loo horumariyo, intee qof ayay dalka quudin kartaa?

Ma gaari kartaa 10 milyan qof ama ka badan?

Jawaabta cilmi-baaristu ma aha “haa” ama “maya” Si fudud. Laakiin xogta la hayo waxay muujinaysaa in su'aashaas aysan ahayn Mid mala-awaal Ah Oo Aan sal lahayn.

Soomaaliya ma leedahay dhul beerasho ku filan?

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya waxay sheegtay in dalka uu leeyahay qiyaastii 8.9 milyan hektar oo dhul beerasho ku habboon . Hase yeeshee, dhammaan dhulkaas maanta lama isticmaali karo. Wasaaraddu waxay qiyaastay in ku dhowaad 3 milyan hektar ay hadda yihiin dhul si dhab ah loo beeran karo

Halka 2.3 milyan hektar ay Yihiin Kuwo ku habboon beeraha roobka, halka 700,000 hektar ay ku habboon yihiin waraabka pump-ka ama flood-recession.

Waxaa Muhiim Ah In La Ogaado Farqiga u dhexeeya labada tiro .

8.9 milyan hektar oo ku habboon beeraha macnaheedu ma aha in Soomaaliya maanta haysato 8.9 milyan hektar oo si diyaar ah loo beeran karo.

Dhulku waxuu u baahan kara biyo, waddooyin, waraab, abuur, bacrimin, mashiinno, suuqyo iyo nidaam wax-soo-saar oo joogto ah.

Sidaas darteed, marka aan ka hadlayno “awoodda beeraha Soomaaliya”, waa in aan kala saarno awoodda dhulka iyo awoodda wax-soo-saarka ee dhab ahaan la isticmaali karo .

Jubba iyo Shabeelle: wadnaha beeraha Soomaaliya

Haddii meel gaar ah laga raadinayo halka ugu weyn ee awoodda beeraha Soomaaliya ku urursan tahay, cilmi-baaristu waxay si joogto ah u tilmaamaysaa dhulka ku teedsan Jubba iyo Shabeelle .

FAO SWALIM waxay sheegtay in labada webi ay yihiin labada webi ee joogtada ah ee Soomaaliya, ayna taageeraan wax-soo-saarka beeraha iyagoo bixiya biyo waraab ah In ka badan 90% qulqulka labada webi wuxuu ka yimaadaa Itoobiya.

Dhulalka ku hareeraysan labada webi ayaa muddo dheer loogu yeeri jiray “breadbasket of Somalia” Ama meesha ugu weyn ee dalka laga soo saari karo cunto.

Waxaa halkaas lagu beeray dalagyo ay ka mid yihiin galley, sisin, miro iyo khudaar, halka bariis iyo sonkorna taariikh ahaan laga soo saari jiray nidaamyada waraabka.

Tani waxay ka dhigan tahay in awoodda beeraha Soomaaliya aysan ahayn fikrad cusub. Waxaa jira taariikh wax-soo-saar iyo waraab oo dhab ah.

Soomaaliya Ma lahayd nidaam waraab oo weyn ?

Haa , Ka hor burburkii dowladdii dhexe, nidaamyada waraabka Soomaaliya waxay ahaayeen kuwo ka ballaaran kuwa maanta shaqeeya.

FAO SWALIM Waxay diiwaangelisay Intii ka horey say 1990 inay jireen qiyaastii 112,950 hektar oo controlled irrigation ah iyo 110,000 hektar oo flood-recession irrigation ah —wadar ahaan ku dhowaad 222,950 hektar .

Waxaa goobta ka jiray biyo-xireenno yar yar, kanaallo, koontaroolada biyaha iyo nidaamyo lagu waraabiyo beeraha

Laakiin burburkii hay'adihii dowladeed iyo dagaalladii ayaa sababay in kaabayaashaasi burburaan ama dayactirkoodu joogsado. Natiijadu waxay noqotay in awood badan oo waraab ah ay hoos u dhacdo, halka fatahaaduhu mararka qaar noqdaan khatar cusub.

Sidaas darteed, dhibaatada beeraha Soomaaliya ma aha oo keliya “dhul ma haysanno.”

Mararka qaar dhibku waa: dhul ayaa jira → biyo ayaa jira → laakiin nidaamkii biyaha lagu xakameyn lahaa ma jiro.

Intee In La Ek Oo dhul Ah Ayaa la waraabin karaa?

Qiyaaso kala duwan ayaa jira, waxaana muhiim ah inaanan isku dhex darin. World Bank wuxuu soo bandhigay qiyaas ah in ilaa 265,000 hektar laga waraabin karo Jubba iyo Shabeelle haddii kaabayaashii waraabka ee hore dib loogu soo celiyo shaqadooda. Isla warbixintu waxay muujinaysaa in qiyaasaha dhulka waraabka ahi ay ku kala duwanaan karaan daraasadaha iyo qeexidda “irrigation potential.”

Sidaa darteed 265,000 hektar waa in loo fahmaa:

qiyaas ku saabsan potential-ka waraabka ee ku xiran dib-u-hawlgelinta kaabayaasha , ee ma aha 265,000 hektar oo maanta diyaar u ah beerashada.

Taasi waa farqiga u dhexeeya awoodda wax-soo-saar ee la heli karo iyo waxa dhabta ah ee hadda la soo saaro

Haddaba, waa intee wax-soo-saarka dhabta ah ee halkii hektar?

Halkani waa halka ay cilmi-baarista Si dhabta ah Ay muhiim ugu noqonaysaa Goobta.

Daraasad lagu sameeyay 81 beerood oo ku yaalla degmooyinka Afgooye iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa lagu Sameyay baarista wax soo saarka galleyda marka la isticmaalayo nidaamka waraabka.

Cilmi-baarayaashu waxay isbarbardhigeen nidaamka caadiga ah ee ay beeraleydu u baxsadaan (Hab dhaqameedka) iyo nidaam ka Hada jira Ee casriyeysan. Nidaamkan dambe waxaa la isticmaalay nafaqeeyayaasha dhulka Sida ( bacriminta Nitrogen iyo Phosphorus), dawooyinka cayayaanka dila,

Natiijada ka soo baxday isbarbardhiggaas Lagu Sameyay Labadas Hab oo ah Habkii hore Ee dhaqameed ka iyo habkan dambe waxay ahayd mid aad u weyn:

Degmada Afgooye: Nidaamka casriga ah wuxuu soo saaray qiyaastii 3.53 tan oo galley ah halkii hektar.

Degmada Awdheegle: Nidaamka casriga ah wuxuu gaaray qiyaastii 5.33 tan oo galley ah halkii hektar.

Marka labadan goobood xogtooda la isku daro, nidaamka la Casriga ah wuxuu celcelis ahaan soo saaray qiyaastii 4.43 tan halkii hektar. Taas waxay ka dhigan tahay in wax soo saarku uu 70% ka badnaaday nidaamkii hore ee dhaqanka ahaa.

Xogtan ma aha mid si qiyaas ah loogu sameeyay kombiyuutar dhexdiis oo keliya, ee waa mid si dhab ah loogu tijaabiyay beeraha Soomaaliya, ayadoo ay iska kaashadeen beeraley Soomaaliyeed iyo cilmi baarayasha ka hawlgalayay gobolka Shabeellada Hoose.

Halkankan waxaa ka dhalanaysa su'aasha muhiimka ah: Ma quudin karaan in ka badan 10 milyan oo qof?

Aan u kuurgalno xisaab tijaabo ah (Simulation Model). Hay’adda FSNAU waxay horay u isticmaashay 135 kg oo badar ah qofkiiba sanadkii, taas oo ahayd halbeegga cabbirka isticmaalka badarka ee Soomaaliya. Maadaama halbeeggan uu yahay mid taariikhi ah, looma qaadan karo inay tahay baahida rasmiga ah ee qof kasta uu maanta qabo, laakiin waxay inoo adeegaysaa tixraac ahaan.

Haddii aan tusaale u qaadanno baahida 10 milyan oo qof :

10M oo qof × 135 kg oo badar ah = 1,350,000,000 kg (taas oo u dhiganta 1.35 milyan oo tan oo badar ah sanadkii).

Haddaba, aan eegno awoodda dhulka: qiyaasta guud ee baaxadda dhulka ku habboon waraabka (Irrigation Potential) ee dooxooyinka Jubba iyo Shabeelle waa 265,000 oo hektar .

Haddii hektarkiiba laga soo saaro celceliska nidaamka Casriga ah ayado la adeefsanayo galleyda oo ah 4.428 tan, wax-soo-saarka guud wuxuu noqonayaa:

265,000 oo hektar × 4.428 tan = qiyaastii 1.17 milyan oo tan.

Marka loo eego halbeegga isticmaalka ee 135 kg, xaddigan badar ka ahi wuxuu quudin karaa qiyaastii 8.7 milyan oo qof .

Laakiin, haddii xawaaraha wax-soo-saarka hektarkiiba la gaarsiiyo heerka sare ee lagu arkay Awdheegle oo ahaa 5.33 tan, wadarta wax-soo-saarku wuxuu kor ugu kacayaa:

265,000 oo hektar × 5.33 tan = qiyaastii 1.41 milyan oo tan.

Xaddigan dambe wuxuu xisaab ahaan ku filnaan karaa quudinta qiyaastii 10.46 milyan oo qof , marka la joogo halbeegga kor ku xusan.

Haddaba, ma dhab baa in 10 milyan oo qof la quudin karo?

Xisaab ahaan: Waa hanaan suurtagal ah (Feasible Scenario).

Cilmi ahaan: Weli ma ahan xaqiiqo dhab ah oo la xaqiijiyay (Proven Fact).

Sababtu waxay tahay, maanta ma haysanno 265,000 oo hektar oo dhammaantood wada qodnaanaya, Oo Hal Mar galley lagu beeri karo, isla markaana laga helayo guusha ah 5.33 tan halkii hektar. Waxa aan sameynay waa in aan isku darnay awoodda guud ee waraabka dhulka iyo natiijooyinkii ka soo baxay tijaabada goobta, ka dibna aan dhisnay qaab-Analytical Model tijaabo ah

Sidaa darteed, gunaanadka saxda ah ee cilmiyaysan waa:

Xogta cilmi-baarista ee la hayo waxay muujinaysaa in quudinta 10 milyan oo qof ay tahay hadaf la gaari karo; haddii si buuxda loo horumariyo awoodda waraabka ee dooxooyinka Jubba iyo Shabeelle, isla markaana wax-soo-saarka hektarkiiba la gaarsiiyo heerarka sare ee laga diwangeliyay daraasadihii laga sameyay Shabeellada Hoose.

Qaab-dhigani wuxuu aqoon ahaan iyo dood ahaanba ka culus yahay, kana kalsooni baddan yahay sheegashada guud ee odhanaysa “hal gobol ayaa quudin kara 10 milyan oo qof.

Dhibaatadu ma tahay dhul la'aan mise Waa wax-soo-saar Ka oo hooseya?

Xogtu waxay tilmaamaysaa in labaduba aysan isku mid ahayn.

Wasaaradda Beeraha waxay sheegtay in kaliya qiyaastii 3 milyan oo hektar oo ka mid ah 8.9 ka milyan oo hektar oo ku habboon beeraha ay hadda yihiin dhul la beeran karo, iyadoo waraab la'aanta iyo mechanization-ku ay yihiin caqabado waaweyn.

Dhinaca kale, daraasadda Lower Shabelle waxay muujisay in wax-soo-saarka hektarkiiba si weyn loo kordhin karo marka la hagaajiyo habka beerashada.

Taasi waxay ina baraysaa in su'aashu aysan ahayn oo keliya:

“Immisa hektar ayaan haysannaa?”

Waxay sidoo kale Noqon kartaa :

“Immisa tan ayaan ka soo saari karnaa hektarkaas?”

Haddii hektaro badan la helo laakiin wax-soo-saarku hooseeyo, natiijadu way xaddidan tahay.

Haddii hektar yar laakiin wax-soo-saarkoodu sarreeyo, natiijadu way ka duwan tahay.

Sidaas darteed land × water × yield ayaa ah saddexda eray ee muhiimka ah.

Laakiin 2025 waxay na siisay digniin weyn

Haddii Soomaaliya ay leedahay awood beerasho oo sidaas u weyn, maxaa maanta ka dhigi kara dal nugul marka Roobku Noqdo mid Saemaya Fatahaado ?

Jawaabta waxaa ka mid ah ku-tiirsanaanta beeraha roobka.

FAO waxay sheegtay in xilli-roobaadkii Deyr 2025 uu si weyn u fashilmay. Wax-soo-saarka Deyr ee galleyda iyo masagada waxaa lagu qiyaasay qiyaastii 15,600 tan , taas oo ahayd heerkii ugu hooseeyay ee taariikhda xogta la hayo, qiyaastii 75% waxay ka hooseesay celceliskii shantii sano ee ka horreesay.

Tani waxay ina tusaysaa labada Qeybood Ee Somliya

Soomaaliya leh awood beerasho oo weyn iyo Soomaaliya oo si aad ah ugu nugul Saameynta roob ka . Iyado Aan Laga Faa idaysanay nin roobka

Labadaas hadal isma diiddana.

Waxay muujinayaan farqiga u dhexeeya waxa suurtagalka ah iyo awoodda u adkaysiga caqabadaha

Waraabku waa furaha, laakiin isaguna xal ka keliya ma aha

Waraabku wuxuu yareyn karaa ku-tiirsanaanta roobka, laakiin webiyada Jubba iyo Shabeelle iyaguna ma aha ilo biyo oo aan xad lahayn.

FAO SWALIM waxay sheegtay in qulqulka labada webi uu hoos u dhaco marka biyuhu u socdaan dhanka hoose, sababo ay ka mid yihiin daadadka, leexinta biyaha ee waraabka, evaporation iyo infiltration.

Waxaa intaas dheer in labada webi ay mararka qaar keenaan fatahaado .

Sidaas darteed Soomaaliya uma baahna oo keliya:

“biyo badan.”

Waxay u baahan tahay:

biyo la cabbiro + biyo la kaydiyo + biyo si caddaalad ah loo qaybiyo + canals la dayactiro + flood control + irrigation management.

Beeraha Soomaaliya maxay dhab ahaan ku fiican yihiin?

Ma aha oo keliya galley.

Dhulalka koonfurta Soomaaliya waxaa lagu beeraa dalagyo kala duwan sida:

galley

masago

sisin

cowpea iyo digir kale

laws

cassava

khudaar

miro.

Xitaa Qamadiga

FAO SWALIM waxay sidoo kale tilmaantay in beeraha waraabka ah ee Jubba iyo Shabeelle ay taariikh ahaan soo saari jireen miro, khudaar, galley, sisin, bariis iyo sonkor.

Taasi waxay muhiim u tahay sabab kale:

Food security ma aha in qof walba galley la siiyo.

Cunto caafimaad leh waxay u baahan tahay nidaam dalagyo kala duwan, xoolo, caano, kalluun iyo ilo kale oo nafaqo.

Sidaas darteed 10 milyan qof oo “cereal equivalent” ah ma aha wax la mid ah 10 milyan qof oo si buuxda oo nafaqo ahaan isku dheelitiran loo quudiyay.

Maxay Soomaaliya u baahan tahay?

Haddii awoodda beeraha Soomaaliya la doonayo in loo beddelo wax-soo-saar dhab ah, waxaa loo baahan yahay dhowr arrimood oo muhiim ah oo isku xiran:

1. Nidaamyada Waraabka

Waxaa lagama maarmaan ah in dib loo dhiso, ama la casriyeeyo kanaallada, biyo-xireennada, matoorrada, iyo agabka kale ee waraabka beeraha.

2. Maareynta Daadadka (Flood Control)

Biyaha webiyadu mararka qaar waxay noqdaan fursad, mararka qaarna musiibo. Labada xaaladoodba waxay u baahan yihiin maamul isku-dhafan oo lagu sameeyo fadhiyada iyo qulqulka webiga.

3. Farsamaynta Beeraha (Mechanization)

Beeraleyda yaryar ee haysta 1 ilaa 3 hektar ma u fududa inay wax-soo-saarkooda si weyn u kordhiyaan haddii qalabka casriga ah ee beeruhu uu qaali yahay ama aan la heli karin. Wasaaradda Beeraha waxay si gaar ah u tilmaantay in waraabka aan ku filnayn iyo qalabeynta beeraha oo liidata ay yihiin sababaha ugu waaweyn ee keenay in dhulka baaxadda weyn ee la beeri karo uusan si buuxda u shaqayn.

4. Cilmi-baaris Gudaha ah

Daraasaddii laga sameeyay Shabeellada Hoose waxay muujisay qiimaha ay leedahay in tijaabooyin dhab ah lagu sameeyo beeraha Soomaaliyeed. Waxaan u baahan nahay cilmi-baaris ballaaran oo ku saabsan:

Noocyada abuurka iyo tayadooda

Cudurrada iyo barashada ciidda

Isticmaalka saxda ah ee bacriminta

Maareynta biyaha waraabka

La-dagaallanka iyo maareynta cayayaanka (Pest Management)

Dalagyada u adkaysta isbeddelka cimilada (Climate-Resilient Crops)

Yaraanta khasaaraha beerashada ka dib (Post-Harvest Losses)

Habaynta kaydinta iyo helidda suuqyada dalagga

5. Kaydinta iyo Warshadeynta (Processing)

Haddii beeraleydu wax badan soo saaraan, laakiin dalaggu uu xumaado ka hor inta aan la gaarsiin macaamiisha, wax-soo-saarku ma yeelanayo qiimo dhaqaale oo weyn. Sidaa darteed, waxaa loo baahan yahay goobo kayd oo ammaan ah iyo warshado yaryar oo wax ka beddela qaabka dalagga.

6. Kaabayaasha Suuqyada iyo Gaadiidka

Beer kasta oo wax-soo-saar fiican leh, haddii aysan lahayn waddooyin ku haboon, suuqyo abaabulan, iyo qiime ku dhiirrigelinaya beeraleyda, ma noqon karto mid sii jiri karta muddo dheer.

Gunaanad: Ma Leedahay Soomaaliya Awood ay ku Quudiso Malaayiin Qof?

Jawaabtu waa haa—laakiin taasi waxay ku xiran tahay fulinta shuruudo badan oo adag.

Cilmi-baaristu waxay si cad u muujinaysaa in Soomaaliya ay leedahay dhul beereed aad u ballaaran, gaar ahaan gobolnada koonfureed, iyo in dooxooyinka Jubba iyo Shabeelle ay leeyihiin awood weyn oo dhanka waraabka iyo wax-soo-saarka ah. Taariikh ahaan, in ka badan 220,000 oo hektar ayaa ku jiray nidaamyo waraab oo casri ah ama habka wax-soo-saarka ee beerashada jiidda webiga (Flood-Recession Farming) ka hor burburkii dowladdii dhexe. Sidoo kale, daraasadihii u dambeeyay ee laga sameeyay Shabeellada Hoose waxay xaqiujiyeen in wax-soo-saarka galleyda si weyn kor loogu qaadi karo marka la adeegsado hababka casriga ah ee beerashada.

Marka xogtan oo dhan la isku daro, waxaa soo baxaya sawir muhiim ah:

Dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya ka haysata dhanka amniga cuntada ma aha "dhul la'aan" ; ee caqabaddu waxay tahay in awoodda dhulka, biyaha, iyo wax-soo-saarka aan weli loo beddelin nidaam beereed casri ah, adkaysi leh, isla markaana baaxad weyn.

Qaab-xisaabeed ka (Simulation Model) ee aan sameynay wuxuu muujiyay in haddii la shaqeysiiyo qiyaastii 265,000 oo hektar oo ah awoodda waraabka ee dabiiciga ah, lana gaarsiiyo wax-soo-saarka halkii hektar heerarkii sare ee laga diwangeliyay Shabeellada Hoose, quudinta 10 milyan oo qof ay tahay hadaf xisaab ahaan la gaari karo marka loo eego halbeegga isticmaalka badarka (Cereal-Equivalent Scenario).

Si kastaba ha ahaatee, tani ma aha ballanqaad ama xaqiiqo maanta taagan; waa aragti cilmiyeed iyo fursad ay baaritaanadu inoo fureen. Sidaa darteed, waxaa laga yaabaa in su'aasha saxda ah ee ay tahay inaan isweydiinno aysan ahayn:

"Ma haysannaa dhul ku filan?"

Balse ay tahay:

"Ma awoodnaa inaan si hufan u maamulno dhulka iyo biyaha aan dabiiciga u haysanno?"

Haddii jawaabta su'aashaas ay mustaqbalka noqoto haa, beeraha Soomaaliya waxay ka gudbi doonaan marxaladda hadda ah oo ah un hab-nololeed ay malaayiin qof ku tiirsan yihiin oo keliya. Waxay isu beddeli doonaan tiirka rasmiga ah ee amniga cuntada, abuurista shaqooyinka, horumarka warshadaha, iyo sare u qaadidda dhaqaalaha guud ee dalka.

Sources-ka ugu muhiimsan ee maqaalka

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya — Strategic Priorities 2025–2030

FAO SWALIM — The Juba and Shabelle Rivers and Their Importance to Somalia

FAO SWALIM — Irrigation

World Bank — Somalia Water+ / Land Use and Livelihoods

Gavin et al. — On-farm irrigated maize production in the Somali Gu season

FAO GIEWS — Somalia Country Brief, March 2026